Burcad hubeysan oo xaafad ka Afduubtay Muwaadin Soomaali iyo baadi goob socda

Ciidanka Booliska Magaalada Johannesburg ee dalka Koonfurta Afrika ayaa baaraya fal afduub ah oo loo geeystay muwaadin Soomaali ah oo sida la sheegay dukaan lahaa, kaasi oo ay afduubteen 3 nin oo hubeysan.

Afduubka loo geystay Muwaadinka ayaa waxaa uu ka dhacay xaafadda ku badan tahay ee Parkwood ee Johannesburg, isla markaana waxaa uu falkaas ka dhacay subaxnimadii Sabtida ee toddobaadkan.

Afhayeenka Booliska Dawod Laing ayaa sheegay in la baadi-goobayo saddex nin oo hubaysan oo saarnaa gaari Toyota Quantum ah oo ka kaxeystay Muwaadinka oo lagu magacaab Cabdimajiit oo 35-sanno jir ah.

“Dhibbanaha iyo walaalkiis waxay dejinayeen Gaari xamuul ah oo Adeeg u waday dukaankooda oo ku yaalla wadada Willow abbaare 9.45am Subaxnimadii Sabtida, intii ay mashquulsanaayeen, saddex nin oo madow ah oo hubaysan ayaa yimid oo wata gaari Toyota Quantum waxayna ku qabteen Qoriga,” ayuu yiri Afhayeenka Booliska.

Isaga oo hadalkiisa sii wata Afhayeenka ayuu tilmaamay in afduubayaasha madowga ahaa ay galeen dukaan oo ay ka dhaceen lacag caddaan ah oo aan la sheegin cadadkeeda “Waxay galeen konteenarka uu dukaanku yaallo waxayna qaateen lacag caddaan ah oo aan la sheegin.

Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa uu yahay dal inta badan dhibaatooyin kala duwan oo isugu jira dilal, boob iyo afduub loogu geysto Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee goobaha Ganacsi ku leh dalkaas, mana jirto cid wax ka qabata dhibaatooyinkaas.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor