Burcad-baddeed ku fashilantay inay weerarto Markab marayey xeebaha Muqdisho

Ururka Britain ugu qaabilsan Hawlaha Maraakiibta Ganacsiga (UK Maritime Trade Organization (UKMTO) ayaa sheegtay inay Koox burcad-baddeed watay Doonyaha dheereeya ay shalay Subax, abaarihii 8dii Aroornimo oo Rubi dhiman (07:45 am) ee Xilliga Bariga Afrika ay weerareen Markab Xamuul oo Turkiga laga leeyahay oo marayey meel ka baxsan Xeebaha Caasimadda Somalia ee Muqdisho. 
 
Ururka UKMTO oo fadhigiisu Dhexe ku taallo magaalladda London waxay sheegeen inuu weerarkaasi ka dhacay meel 100 nautical miles oo u dhiganta 185 KM dhanka W/bari kaga toosan magaalladda Muqdisho.
Magaca Markabka la weeraray lama shaacinin iyo halkii uu ku sii jeeday, balse, Markabka iyo Shaqaalihii la socday ay bad-qabaan, waxayna horey u sii wateen Safarkooda.
Sanadihii la soo dhaafay aad bay u yaraadeen weerarada ay Kooxaha Burcad-baddeed ka geystaan Xeebaha Somalia marka la Barbara dhigo sanadkii 2011-kii, xilligaas oo ay Burcad-baddeedu qafaasheenTobaneeyo Maraakiibta Ganacsiga iyo Boqolaal Badmaax oo ka soo jeeday dalal kala duwan.
Isla sanadkii 2011-kii, Ciiddanka Badda Midowga Europe ka jooga Somalia ee (EU Naval Force Somalia), loona yaqaano (EUNAVFOR) soo tebiyeen inay Burcad-baddeedu geysteen 176 weerar, kuna qafaasheen 25 Maraakiib Ganacsi.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor