Boqortooyada Baxrayn  oo Ra’iisul Wasaare Cusub loo Magacaabay

Boqorka Baxrayn Xamad bin Ciise ayaa magacaabay ra’iisal wasaare cusub kadib markii ra’iisal wasaarihii dalkaas Khaliifa bin Salmaan shalay ku dhintay dalka Maraykanka.

Salmaan bin Xamad bin Ciise oo ah dhaxal sugaha dalka ayaa loo magacaabay inuu noqdo ra’iisal wasaaraha cusub ee Baxrayn

War murtiyeed kasoo baxay shalay boqortooyada Baxrayn ayaa lagu sheegay in ra’iisal wasaarihii geeriyooday lagu aasi doono dalka gudihiisa iyadoo ay kasoo qayb gali doonaan qoyska iyo qaraabadiisa oo kaliya.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media