Boqorka Sacuudiga iyo Madaxweynaha Jabuuti oo ka wada hadlay Xaalladda Geeska Afrika iyo Gacanka Cadmeed

Boqorka Sacuudiga, King  Salmaan Bin C/casiis Al-sacuud iyo Madaxweyna Jabuuti, Md Ismail Omar Gelle waxay xalay Kulan Khaas ah ku yeesheen Qasriga Boqortooyadda Al-yamaamah oo ku yaalla Caasimadda dalka Sacuudiga ee Riyadh.

Labada Hoggaamiye waxay ka wada hadleen Xiriirka Labada Dowladood, qaababka ay isaga kaashan karaan Mashaariicda kala duwan iyo Xalladihii ugu daambeeyey ee ku soo kordhay Mandiqadda iyo Ammaanka Gacan-biyooda Baabul-mandab.

Wakaalladda Wararka Sacuudiga ee SPA oo aan warkan ka soo xiganay ayaa sheegtay inuu Madaxweyne Ismail Omar Gelle guddoonsiiyey Boqorka Sacuudiga, King Salman Bin Billadda ugu sarreeysa ee Jabuuti ee loo yaqaano The Medal of Djibouti Grand Star.

Madaxweyne Gelle, waxa uu ammaanay dadaalka uu Boqorka Sacuudiga ugu adeegayo Danaha Waddamadda  Islaamka iyo Carabta.

Kulanka Boqorka Sacuudiga la yeeshay Madaxweynaha Jabuuti waxa uu qeyb ka yahay Dhaqdhaqaaqa Dipolomaasiyadeed oo uu Boqorka Sacuudiga, Salmaan Bin C/casiis Al-sacuud ku doonayo in lagu xoojiyo Iskaashiga Dipolomaasiyadeed iyo Milliteri ee Sacuudiga la leeyahay Dowladaha Jabuuti, Somalia iyo Ethiopia, si ay uga wada arrinsadaan Iskaashiga cusub ee Gobalka, Ka-hortagga  Is-ballaarinta Iiraan ee Badda Cas, La-dagaalanka Xuutiyiinta, Alshabaab, Alqaacida, Burcad-baddeeda, Tahriibka iyo Hubka Kontorobaanka.

Dhinaca kale, Boqorka Sacuudiga waxa uu qorsheysan inuu Toddobaadka dambe la kulmo Ra’isul-wasaaraha Ethiopia, Haile-marian Desalegn Boshe.

Boqor Salman waxa kaloo la filayaa inuu Madaxweynaha Dowladda Somalia, Md. Xasan Sheekh Maxamuud uu dabayaaqadda bishan October ku kulmaan caasimadda Sacuudiga ee Riyadh.

© Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor