Boqolaal qof oo Soomaali ah oo laga tarxiilay Sacuudiga iyo Koox fariin dirtay

Xuutiyiinta Yemen oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa ay u sheegeen in dowladda Sacuudiga dalkeeda ka tarxiishay 800 oo ruux oo muwaadiin Soomaali ah, kuwaasi oo ku sugnaa Magaalo ka tirsan dalkaas.

Xuutiyiinta ayaa tilmaamay in Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee laga tarxiilay Sacuudiga ay si
sharci-darro ah uga tallaabayeen xuduudka Aljowf ee dhinaca dalka Yemen.

Sidoo kale waxa ay sheegeen in Siddeeddaasi Boqol ay hadda ku karantiilan yihiin Aljowf, kadib markii looga shakiyay Cudurka halista ee Coronavirus, iyada oo xaaladdooda laga deyrinayo.

Xuutiyiintu waxa ay hay’ada qaxootiga Aduunka ee UNHCR ugu baaqeen inay gargaar deg deg ah la gaarto Boqolaalka qof ee ku dhibaateysan xuduudka Aljowf ee dhinaca dalka Yemen.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media