Ku-dhawaad 400 qof ayaa laga daad-gureeyeey Jesiiradda Sardinia ee dalkaasi, kadib markii uu dab ka kacay dhulka Kaymaha ee ku yaalla Jesiiradaasi kaabiga ku haysa Badda Meditereeniyanka.
Kooxaha Dab-damiska waxay sheegeen inay dhowr guri waxyeello ka soo gaareen dabka ka kacay Galbeedka Jesiiradda Sardinia.
Maamulka Ciiddanka Maddaniga waxay sheegeen in qiimeynta Koowaad muujinaysi inuu dabku baabi’iyey dhul baaxadiisu dhan tahay 10,000 oo Akares.
Maamulayaasha waxay kaloo sheegeen in 200 oo qof laga daad-gureeyeey Degmadda Kugliyeri, halka 155 kalena laga qaaday Deegaanka Sennariyolo.
Wakaalladda Wararka Talyaaniga ee ANSA waxay sheegtay in 11 Diyaaradood loo adeegsaday daminta Ololka Kaymaha gubanayey, iyadoo kala-bar dadkii barakacay sib ugu laabtaan Jesiiradda Sardinia.