Boqolaal Ciiddan oo ku sugnaa Xeebaha Somalia oo laga helay COVID 19

247 Ciiddan oo la socday Markabka wax burburiya ee Munmu ayaa la shaaciyey in laga helay Coronavirus, sida ay maanta shaacisay Wakaalladda Wararka Koonfurta Kuurya ee Yonhap News Agency.

Taliyayasha Wadajirka ee dalkaasi waxay ku tilmaameen dhacdadaasi inay noqotay tii ugu xumayd ee Infekshin-Wadareed laga dhex helay xubnaha Ciiddanka ee dalkaasi.

Hadal qoraal oo ka soo baxay Milliterifa dalkaasi ayaa lagu sheegay in Natiijadda Baaritaanadda lagu sameeyey dhamaan 301 Askari oo ka tirsan Ciiddankooda ku sugan Xeebaha Somalia la ogaaday in 247 laga helay Xanuunkaasi, halka 50 kalena aan laga helin Coronavirus.

Qaar ka mid ah Ciiddankaasi waxaa lagu daaweynayaa Isbitaalo Maxali ah, halka kuwa laga helay calaamadaha Coronavirus lagu karantiilay Markabka dushiisa.

Ciiddanka Koonfurta Kuurya ee Hawlgalka La-dagaalanka Burcad-baddeeda u joogay Gacanka Cadmeed iyo Marinka Hormuz ayaa la sheegay in lagu daad-gurayn doono 2 Diyaarado Xamuul oo noocu yahay KC-330 Cygnusloo shalay loo soo diray.

Diyaaraddahaasi waxaa la filayaa inay berrito oo Talaado caga-dhigtaan Garoon ku yaalla magaalladda Busaan oo Koonfurta dalkaasi.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor