Booliska Uganda oo qabtay dad Soomaali ah kadib qaraxyadii ka dhacay Kampala

Ciidammada ammaanka ee waddanka Uganda ayaa waxa ay xireen ugu yaraan 100 qof kaddib qaraxyadii mataanaha ahaa ee todobaadkii hore ka dhacay bartamaha magaalada caasimadda ah ee Kampala.

Wararku waxa ay tilmaamayaan in dadka la qabtay ay ku jiraan Soomaali deggan magaaladaasi Kampala.

Ugu yaraan todoba qof oo laga shakisan yahay ayaa la dilay kaddib markii la sheegay inay ka dhaga adaygeen in la soo xiro.

“Booliska waxay xireen labo qof oo laga shakisan yahay markii lagu helay walxaha qarxa, labo qof ayaa imika lagu hayaa xabsiga” ayuu yiri sarkaal ka tirsan booliska Uganda.

 

Sarkaalka wuxuu intaa ku daray in dadka laga shakisan yahay ay kamid yihiin dad Soomaali ah.

“Baaritaanada horudhaca ah waxay muujinayaan in walxahan qarxa ay booliiska soo qobteen ka dib markii la baaray gaari cad oo ah nooca tooyootada , gaarigan waxaa waday Cabadi Kariim Mayow oo ah 25 jir Soomaali ah kana mid ah dadka deegaanka”

“Wuxuu ninkan ku andacooday in gaariga la soo kireystay oo uu ka soo kireystay nin lagu magacaabo Maxamed Xasan oo ah nin Somaali ah oo 28 jir ah oo u sheegay in uu ka soo qaaday Monyonyi qaraabadiisa oo kala ah hooyadii iyo walaalihii oo uu ku soo qaaday walxahan qarxa, waxaan xirnay Cabdi Kariin Mayow iyo Maxamed Xasan, waxaan sidoo kale xirnay xubnaha kale ee qoyska” ayuu yiri sarkaal ka tirsan booliska.

Boolisku waxa uu weerraradaasi ku eedeeyay ururka loo soo gaabiyo ADF oo ah urur Islaami ah oo maxalli ah hasayeeshee , saldhiggiisu uu yahay waddanka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Koongo, kaas oo xiriir la leh ururka la baxay Dowladda Islaamiga ah.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor