Booliska Soomaaliya oo war kasoo saaray weerar khasaaro gaystay oo ka dhacay Degmada Kaaraan

Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa faah faahin ka bixiyay Weerar shalay Ciidan Boolis ah lagu dilay oo ka dhaacy degmada kaaraan ee Gobolkani Banaadir, waxaana weerar kaasi ku dhintay qaar ka mid ah Booliska Soomaaliya oo Salddhigga ku sugnaa.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Sadiiq Duudishe oo warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyay sida shalay galab wax u dheceen iyo cidda sida rasmiga ah uga dambeysay weerar kaas khaasaha gaystay.

Waxaa uu sheegay in weerarkasi ay soo qaadeen koox burcad ah oo hubeysan, kuwaasi oo uu sheegay in ay amaanka qaran liddi ku yihiin, waxaana uu sheegay in Ciidanka Booliska ay ku raad joogaan burcaddaasi, kuwaasi oo uu sheegay in ay dileen labo ka mid ah Booliska Soomaaliya, iyagoo sidoo kale dhaawaac u gaystay  qof shacab ah.

Waxaa uu intaas ku daray in ay caddaaladda hor keeni doonaan kooxda shalay Ciidanka booliska weeraray.

Shalay galab ayay ahayd markii Ciidan Hubeysan ay weerareen ciidan boolis ahaa oo ku sugnaa Saldhigga degmada, waxaana ay dileen labo ka mid ah Ciidanka Booliska iyo Qof shacab ah, waxaana la sheegay ina y goobta isaga baxsadeen weerarka kadib.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media