Booliska Soomaaliya oo ku dhawaaqay Howlgallo ka dhan ah Ciyaal Weerada

Booliska Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay howgallo ka dhan ah kooxaha Ciyaal weerada ah ee dhibaatootinka ka gaysta Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, kuwaasi oo dhawaanaahan kusoo badanayay magaalada.

Afhayeenka Booliska Soomaaliya  Cabdi Fitaax  Aadan Xasan oo goordhawyed warbaaahinta la hadlay ayaa shaaca ka qaaday in Booliska Soomaaliya ay diyaariyeen, howlgallo culus oo ka dhan ah Ciyaal Weerada iyo kooxaha Burcadda ah.

Waxaa intaas uu ku daray in si toos ah ay Boolisku u beegsan doonaan Ciyaalka weerada, ee dhibaataynta ku haya shacabka.

Sidoo kale digniino Culus ayuu u diray Milkiilayaasha Mooto Bajaajta leh, ee dhalinyarada ka kireeya, kuwaasi oo uu sheegay in mararka qaar lagu fuliyo falal amni-darro, oo lagu dhibaateeyo dad shacab ah, waxaana intaas uu ku daray in qof waliba uu hubiyo sdhaqsiga ay wax u dhiibanayaan.

Kiisas badan ayuu sheegay in ay hayaan Boolisku oo la xariira,kooxaha ka ganacsada Maandooriyaha iyo Ciyaal Weerada.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa joogto ka noqotay falalka ammaanka lid-ka ku ah, sido dhaca, Ciyaal weerada iyo dilalka ay gaystaan kooxaha Burcadda ah,kuwaasi oo dadka u dila si bareer ah, marka ay ka qaataan Taleefanada iyo waxyaabaha kale ee ay haystaan.

Maalmihii ugu dambeeyay dad shacab ah ayaa siyaabo kala duwan ay kooxaha burcadda ah ugu dileen. Iyadoo dhanka kalena ay Ciidanka Boolisku kordhiyeen Howgalada ka dhanka ah Burcadda.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor