Booliska oo shaaciyay in dad farabadan loo qabtay dhaca Moobeelada

Taliyaha Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya Jen. Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa ka hadlay howlgal Ciidanka Booliska ka sameeyeen Magaalada Muqdisho oo lagu soo qabtay rag farabadan oo burcad ah.

Taliye Xijaar oo Maanta la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in howlgal ay sameeyeen Ciidamada amniga lagu qabtay 30-ruux oo burcad ah, isla markaana xiligii la qabanayay ay dad shacab ah dhacayeen.

Waxaa uu sheegay Taliyaha Ciidanka Booliska in maalmaha soo socda ay warbaahinta u soo bandhigi doonaan ragga burcada ah ee la qabtay, isla markaana laga qaadi tallaabo sharci ah, maadaama ay wadeen falal amni darro.

Sidoo kale Taliye Xijaar ayaa waxaa uu laamaha amniga iyo maamulada Degmooyinka Gobolka Banaadir ugu baaqay inay soo qabtaan burcada dhaca u geysata dadka shacabka xiliyada habeenkii ah, wuxuuna caddeeyay in marnaba aan la aqbali doonin falalkaas.

Dhinaca Taliyaha Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya Jen. Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa sheegay inay jiraan rag kale oo waday qaraxyo oo Ciidanka amniga ay qabteen, isla markaana ay soo bandhigi doonaan.

Si kastaba maalmihii lasoo dhaafay waxaa qaar kamid ah degmooyinka Gobolka Banaadir ay rag hubeysan oo burcad ah dhac ugu geysteen dad badan, iyagoona ka qaatay teleefanka gacanta iyo waxyaabo kale oo wateen xiligaas.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor