Booliska Magaalada Guriceel oo xabsiga dhigay Haweenay la sheegay inay dil gaysatay

Booliska Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa xabsiga dhigay haweenay la sheegay in ay dil u gaysatay Gabar ay isku degaan ahayeen, taasi oo sida wararku sheegayaan sababsatay gacanta Gabadha Saaka xabsiga la dhigay.

Wararkii ugu dambeeyay ee aynu helayno ayaa tilmaamaya in Ciidanka Booliska Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ay soo xireen qoska ay Gabadhu ka dhimatay iyo qoyska ay ka dhalatay Gabadha la sheegay in ay dilka gaysatay, waxaana hadda labada reer ee dhibaatadu kala gaartay ay ku xiran yihiin Saldhigga Booliska, iyadoo baaritaanno dheeraad ah ay ku socdaan.

Labada Qoys ayaa laga soo xiray deganaa Deegaanka Miro Jibaale oo hoostaga Degmada Matabaan ee Gobalka Hiiraan, halkaasi oo ah meesha dilku ka dhacay sida wararku sheegayaan, waxaana ilaa iyo hadda aysan Boolisku faah faahin ka bixin sababta ka dambeysay dilkaasi, waxaana wali socda baaritaanno dheeraad ah oo la sheegay in kiiska Gabadha lagu sameynayo, iyadoo ay Boolisku gacanta ku hayaan Gabadha ku eedeysan dilka.

Sidoo kale laamaha ammaanku wax faah faahin ah wali kama bixin sababta ay u soo xireen Qoyska ay ka dhimtay Gabadha la dilay, waxaana dhacdadaasi ay noqotay mid ay si weyn u hadal hayaan dadka degaanka ee ku nool Deegaanka Miro Jibaale oo hoostaga Degmada Matabaan ee Gobalka Hiiraan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor