Booliska Kenya oo soo badbaadiyay Haween Soomaali ah oo la la’aa

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Dowladda Kenya ayaa howlgal ay sameeyeen waxaa ay ku soo badbaadiyeen in ka badan 16 Haween Soomaali ah, kuwaasi oo qaarkood heystay dhalasha Mareykanka.

Ciidanka Booliska ayaa howlgalka ka sameeyay Madaraso ku taalla deegaan u dhexeeya Waddada isku xirta Magaalooyinka Nairobi iyo Mombasa, iyagoo halkaas laga soo badbaadiyay Haweenka Soomaalida oo muddo ay ku xirnaayeen.

Sidoo kale Booliska Kenya ayaa sheegay in Haween lasoo badbaadiyay 6 kamid ah ay heystaan dhalashada Mareykanka, kuwaasi oo lagu kala magacaabo Xafsa Isaaq C/Nuur oo 17-jir ah, Sumeya Yuusuf oo 19 jir ah, Faatima Ibraahim Xuseen oo 17-jir ah, Maymuun Cali oo 16-jir ah, Nimco Isaaq oo 15-jir ah, iyo Raxmo Isaaq C/nuur oo 18-jir ah.

Dhinaca kale Taliska Booliska Kenya ayaa shaaciyay inay gacanta ku hayaan 12 haween oo Soomaali ah asalkoodu Kenyan yahay, kuwaasi oo da’doodu u dhexeyso 50-jir ilaa 6-jir.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media