Booliska Ingiriiska Oo Mar Kale Beeniyay In Samantha Lewthwaite a Ay Ku Sugan Tahay Dalkaasi

Afahayeenad U Hadashay Booliska Dawlada Ingiriiska Ayaa Sheegtay In Aysan Dalkeeda Ku Sugneyn Samantha Lewthwaite Oo Ah Haweyney British Ah Taasi Oo Xiriir La Leh Xarakada Al-Shabaab, Waxaana Ay Afahayeenada Ay Beenisay In Haweyneyda Lagu Naaneeso “Carmalada Cad” In Dhawaan Lagu Arkay Dalkaasi.

Afahayeenada U Hadashay Ciidamada Booliska Dowladda Ingiriiska Waxa Ay Sheegtay In Baaritaano Ay Sameeyeen Ka Dib  In Ay Ku Ogaadeen In Haweyney U Ek Mrs Samanthe Lewthwaite oo Lagu Arkay Dalkaasi In Aysan Aheyd Haweyneyda  Rasmiga Ah Ee Xiriirka La Leh Al-Shabaab, Waxaana Ay Xustay In Carmalada Cad Aysan Kireysan Hotel Ku Yaala Magaalada Darlington Ee Dalka Ingiriiska.

Booliska Caalamiga Ah Ee Interpol Iyo Hay’adda Sirdoonka Dalka Ingiriiska Ayaa Wali Raadinaya Samantha Lewthwaite Oo La Aaminsan Yahay In Ay Ka Qeyb Qaadatay Weerarkii Wast Gate Moll Ee Kenya Ka Dhacay Bishii September Ee Sanadkii 2013Kii, Sidoo Kale Carmalada Cad Waxa Ay Ka Qeyb Qaadatay Weeraro Ka Dhacay Gudaha Dalka Soomaaliya Sida Ay Sheegeen Sirdoonka Dalka Ingiriiska.

Sargaal Ka Tirsan Sirdoonka Soomaaliya Ayaa Horay U Sheegay In Haweyneyda Lagu Naaneeso Carmalada Cad Ay Tahay Gacanta Midig Ee Hogaamiyaha Dhinaca Holwgalada Al-Shabaab Axmed Cumar.

Samanthe Lewthwaite Iyo Ninkeedii Germain Lindsay Ayaa Wada Qaatay Diinta Islaamka Ka Hor Inta Uusan Ninkeeda Isku Qarxin Sanadkii 2005tii Boosteejada Tareenada Magaalada London, Waxaana Haweyneyda  32 Jirka Ah Ay Leedahay Afar Carruur Waxayna Al-Shabaab U Qaabilsan Tahay Tababarada Haweynka Sida Ay Sheegeen Sirdoonka Ingiriiska.

Source:  Daily Mail.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor