Booliska Gobolka Shabeele oo gacanta ku dhigay Nin Toorrey ku dilay Walaalkiis

Booliska Gobolka Shabeele ee Dowlad Degaanka Soomaali Galbeed ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen Nin dilay walaalkiis, kaaso oo saacadihii lasoo dhaafay ay ku raad joogeen.

Wararku waxaa ay tilmaamayaan in Booliska Gobolka Shabeelle ay gacanta ku dhigeen Abdifitah Babyad Cali oo dilay walaalkiisa sida la sheegay, waxanaa Boolisku ay kusoo qabteen baaritaan ay sameyeen, kadib markii uu baxsaday Ninka dilka gaystay.

Marxuumka ladilay ayaa lagu magacaabi jiray Ismaaciil Babyad Cali waxaana lagu dilay magalada Goday ee Dowlad degaanka gaar ahaan Xaafada Lixaad, waxaana la sheegay in dhacdadaasi ay noqtay mid dadka degaanka layaab ku noqotay.

Abdifitah Babyad Cali oo ah eedeysanaha haatan loo haysto in uu dilay walaalkiisa ayaa la sheegay in uu dilka u adeegsaday Toorrey, waxaana booliska ay wali wadaan baaritaanno dheeraad ah, oo ay ku baarayaan sababta ka dambeysay dilka Marxuum Ismaaciil oo sida la sheegay sababsaday gacanta walaalkiis.

Wali Saraakiisha Booliska iyo maamulka Gobolkaasi wax war ah kaam soo saarin dhacdadaasi, waxaana wali socda baaritaaanno sida laga soo xigtay Booliska.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor