Booliiska Qardho oo gacanta ku dhigay Haweenay Ninkeedii Maseyr dartii u dishay

Booliiska Magaalada Qardho ee Gobolka Bari ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen Haweenay Maseyr dartiis ninkeeda u dishay shalay,taasi oo saacadihii lasoo dhaafay lagu raad joogay.

Haweeneey lagu magacaabo Farxiyo Ismail ayaa ninkeeda ku dishay magaalada Qardho ee maamulka Puntland, kaddib markii uu muran iyo khilaaf harreeyay qoyskooda.

Wararka aaynu hadda helayno ayaa sheegaya in baaritaanno ay sameeyen Ciidanka Boolisku ay u soora gashay in ay gacanta ku dhigaan Haweenayd, oo shalay Seygeeda ku dishay Magaalada Qardho.

Xoguhu waxa ay intaas ku darayaan in Haweenayda oo Magaceeda lagu soo koobay Farxiyo Ismaaciil, waxaana marxuumka ay dilka u gaysatay lagu magacaabi jiray Aweys, kaasi oo ay u dhashay 4 carruur ah.