Booliiska Gaalkacyo oo qabtay Gaadiid siday dhuxul sharci darro ah

Ciidanka booliiska gobolka Mudug ayaa maanta qabtay 10 gaari oo siday dhuxul sharci darro ah oo horay ay u mamnuuceen mas’uuliyiinta Galmudug  ee gobolkaasi.

Taliyaha qeybta booliiska gobolka gaashaanle dhexe, Qaasim Shirdoon Cali, ayaa sheegay in sii wadayaan howlgalka lagu baacsanayo dadka sida sharci darada ah u jara dhirta si looga hor tago xaalufka ku imaan kara degaanka.

Sidoo kale, guddoomiyaha gobolka Mudug ee Galmudug, C/raxmaan Cali Diiriye, maanta warbaahinta qaranka la hadlay ayaa sheegay in uu bogaadinayo ciidankii ku guuleystay in ay soo qabtaan gaadiidkan siday dhuxusha, isagoo intaas ku daray in jarista dhirka lagu mamnuucey wareegto madaxweyne.

Qabashada dhuxushaasi ayaa timid xilli ay isku dayayeen wadayaashii Gaadiidkaasi in ay si dhuumaaleysi ah dhuxusha ku geliyaan suuqyada magaalada Gaalkacyo.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media