Boob loo geystay goobo Ganacsi oo ay lahaayeen Soomaalida K/Afrika

Wararka idacada dalsan ee magaalada Muqdisho ay ka heleyso dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in Burcad Koonfur Afrikaan ah ay boob u geysteen goobo Ganacsi oo ay lahaayeen Soomaalida ku nool dalkaasi

Burcadda ayaa la tilmaamay in ay ku xoomeen laba Dukaan oo lahaayeen Ganacsatada Soomaalida ah ee dalkaas isla matkaana wixii yiilay ay ka qaateen.

Soomaalida ku ganacsata dalka Koonfur Afrika ayaa walaac ka muujiyay boobka noocaan oo kala ah iyada oo horay dhac hubeysan loogu geysan jiran hantidoodana la dhici jiray iyada oo mararka qaar ay dhimasho iyo dhaawac loo geysan jiray Soomaalida.

Boliika Koonfur Afrika ayaa la tilmaamayaa in aysan jirin wax talkaabo ah oo ay ka qaadayaan kooxahaan Isku xiran ee dhaca u geysta ganacsatada ku nool dalka Koonfur Afrika.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media