Boliska Afganistan oo gacanta ku dhigay Ninkii ka dambeeyey Duqeyntii dhacday Maalintii Ciidda

Warbaahinta dalkaasi waxay sheegeen in la soo qabtay Ninkii Hoobiyayaasha la beegsaday Qasriga Madaxtooyada Kaabul, xilligii lagu tukanayey Salaadda Ciiddul-Adxaha.

Telefishinka 1TV ayaa baahiyey in Boliska Degmadda Shanaad ee magaalladda Kaabul ay gacanta ku dhigeen Eedeysanaha iyo 3 qof oo la socotay.

Dhowr Hoobiye ayaa waxay Maalintii Ciidda ku dhaceen duleedka, balse, cidna wax kuma noqon Duqeyntaasi.

Hadal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Afganistan ayaa lagu sheegay in Eedeysanaha la qabtay uu ka tirsan yahay Dagaalamayaasha Kooxda Daalibaan ee ka dagaalanta dalkaasi.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor