Biyo dhaamin loo sameeyay dad ku nool gobolka Hiiraan oo ay abaaro saameeyeen

Degaanada Ceelka Samow iyo Ceel Idaad oo dhanka galbeed ka xiga degmada Beledweyne oo kamid ahaa meelaha jiilaalkii oo dheeraaday awgiis biyo la’aanta ka jirto ayaa waxaa loo sameeyay biyo dhaamin.

Ilaa 50 booyadood oo uu ku deeqday ganacsade Soomaaliyeed ayaa la gaarsiiyay degaanadaas oo dadka ku dhaqan ay yihiin xoolo dhaqato iyo beeraley oo biyo la’aanta saameeysay.

Sheekh Maxamed Nuur oo kamid ah culimada gobolka Hiiraan, ayaa sheegay in muhiim ay tahay in dadka is caawiyaan xilliyada adag oo ay abaaraha jiraa, isagoo dadka kale ku booriyay in ay gurmad la soo gaaraan walalahooda dhibaateysan.

Degaanadan ayaa Meesha ugu dhow oo ay biyo ka heli karaan waxay u jirtaa socod lix saacadood ah, taasi oo aysan awoodin dadka danyarta ah ee ku nool degaankaasi.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor