Beesha Caalamka oo war kasoo saartay shirkii Muqdisho lagu soo gaba-gabeeyay

Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka ayaa war kasoo saaray shirkii dhawaan lagu soo gaba-gabeeyay muqdisho, ee 3 ilaa iyo 9 kii Janaayo socday, kaasi oo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaraaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

War-saxaafadeed ay soo saareen Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka ayaa waxaa lagu sheegay in  ay soo dhaweynayaan shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee socday 3-9 Janaayo ee lagu gaaray is-afgaradka, sidoo kalena la isku raacay wax ka bedelka iyo dib u habaynta habraaca iyo dedejinta waqtiga doorashada Golaha Shacabka.

Waxaana intaa ay ku dareen  Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka  in ay ku faraxsanahiin in Ra’iisul Wasaaraha iyo madaxda Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ay qaateen go’aamo ku saleysan wadatashiyo lala yeeshay bulshada rayidka, wakiillada haweenka iyo xubnaha mucaaradka.

Sidoo kale Waxaa ay ugu baaqeen dhammaan hoggaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya in ay danta qaranka wax walba ka horraysiiyaan, ayna mudnaanta siiyaan soo gabagabaynta hannaanka doorasho ee ay dadka Soomaaliyeed si weyn u aqbalaan. iyo inay ka fogaadaan daandaansi ka weecin kara hannaankaas oo kordhin kara khatar iska-hor-imaad ama rabshado .

Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka  ayaa Dhammaan madaxda ugu  baaqay in ay xaqiijiyaan in ciidamada amniga aan loo adeegsan hab siyaasadeed.

Ugu dambeyn Qoraalka ayaa lagu soo gaba-gabeeyayin  la joogaa waqtigii ay dhammaan madaxda Soomaaliyeed diiradda saari lahaayeen in si degdeg ah loo dhaqangeliyo go’aannadii lagu heshiiyey si loo soo gabagabeeyo hannaan doorasho oo lagu kalsoonaan karo marka la gaaro 25ka Febraayo.