Beesha Caalamka oo Maanta War kasoo saartay Doorashooyinkii ka dhacay Puntland

Beesha Caalamka ayaa War kasoo saartay doorashadii Golayaasha degaanka ee maalmo kahor ka dhacday degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn ee dowlad Goboleedka Puntland, doorashooyinkaas oo ahaa kuwo qof iyo Cod ah.

War-saxaafadeed kasoo baxay Beesha Caalamka ayaa waxaa Maamulka iyo  shacabka Puntland loogu hambalyeeyay doorashooyinka Golayaasha deegaanada ee dhacay, iyagoona soo dhaweeyay xamaasadda ay muujiyeen shacabka ku dhaqan degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn.

Beesha Caalamka ayaa Puntland ka rajeeysay dhamaystirka diiwaangelinta codbixiyayaasha dheeraadka ah iyo soo saarista doorashooyinka dawladaha hoose ee guud ahaan dawlad Goboleedka Puntland sanada soo socda ee 2022.

“La-hawlgalayaashu waxay ku ammaanayaan dhammaan dhinacyada ay khusayso doorkooda geeddi-socodka, iyagoo si gaar ah u xusay wada-shaqeynta wax-ku-oolka ah ee ka dhaxaysa Guddiga Ku-meel-gaarka ah ee Doorashooyinka Puntland (TPEC), ururrada siyaasadda iyo ururada bulshada rayidka ah” ayaa lagu yiri Qoraalka Beesha Caalamka.

Saaxiibada Beesha Caalamka ayaa waxaa ay hoosta ka xariiqeen sida ay uga go’an tahay inay taageeraan doorashooyinka marka ay ka dhacayaan heer deegaan, heer gobol iyo heer qaran oo dalka Soomaaliya oo dhan ah.

War-saxaafadeedka kasoo baxay Beesha Caalamka ayaa waxaa si wadajir ah u soo saaray: Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Denmark, Masar, Midowga Yurub (EU), Finland, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Kenya, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Holand, Norway, Poland, Qadar, Ruushka, Sacuudiga, Iswiidhan, Iswisarland, Turkiga, Uganda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, iyo Qaramada Midoobay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor