Beesha Caalamka oo war kasoo saartay doorashooyinka dalka Soomaaliya

Beesha Caalamka ayaa Waxaa ay si gaar ah u  adkeynayeen  xaqiijinta wadar-oggol lagu yahay, oo lagu gaaro dhismaha guddiyada maamulka doorashooyinka, oo ay tahay in boqolkiiba 30 ay ku jiraan matalaadda haweenka, waxaana sidoo akle ay carrabka ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo jawiga wadar-oggolka iyo is afgaradka si horay loogu sii wado howlaha doorashooyin loo dhanyahay.

Hoos ka aqriso Qoraalka kasoo baxay Beesha Caalamka

Arrimaha ku saabsan codeynta/doorashada 2020/21 ee heer federaal, waxaan carrabka ku adkeynaynaa muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo jawiga wadar-oggolka kaas oo horseeday heshiisyo la gaaray intii lagu guda jiray wadatashiyadii u dhexeeyay madaxda Dowladda Federaalka ah  iyo Dowlad Goboleedyada ee ka kala dhacay Dhusamareeb iyo Muqdisho. Waxaan dhiirigalinaynaa wadahadal waara oo ku jaan-go’an habka-shaqo ee u degsan Golaha Wadatashiga Qaranka, wadahadalkaas oo lala yeesho saamilayda kale ee muhiimka ah si geedi-socodka doorashada loogusii ilaaliyo tubtiisa, uuna u noqdo mid loo wada dhanyahay.

Waxaan si gaar ah u sii adkeynaynaa in xaqiijinta wadar-oggol laga gaaro dhismaha guddiyada maamulka doorashooyinka, oo ay tahay in boqolkiiba 30 ay ku jiraan matalaadda haweenka, iyo xal laga gaaro khilaafaadka ku saabsan sida codbixinta doorashada federaalka uga dhacayso gobolka Gedo iyo [xal u helidda] kuraasta loo qoondeeyey beelaha Somaliland, ay muhiim u yihiin daahfurnaanta, sharciyadda, suurtagalnimada iyo hirgelin waqtigeeda ku dhacda ee geedi-socodka doorashada. Waxaan ugu baaqeynaa madaxda DFS iyo DGXF, guddiyada maamulka doorashooyinka, odayaasha dhaqanka iyo bulshada rayidka ah inay qaadaan dhamaan talaabooyinka lagama maarmaanka ah si loo xaqiijiyo in ugu yaraan boqolkiiba 30 Xildhibaanada iyo Senetarada ka imaanaya beel kasta ay yihiin haween isla markaana doorashadu ku dhacdo waqtigeeda.

Waxaan sii wadi doonnaa in aan la shaqayno dhamaan saamilayda Soomaaliyeed si aan ugu doodno hirgelin hufan oo la hirgeliyo doorasho federal ah oo nabdoon, lagu kalsoonyahay oo ay hogaankeeda leeyihiin dadka Soomaaliyeed, taas oo ku salaysan wadar-oggol iyo ballan-qaadyadii uu sameeyay Golaha Wadatashiga Qaranka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media