Beesha Caalamka oo Galmudug ka taageeraysa arrimaha doorashooyinka iyo amniga

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa caawa aaladda fogaan aragga kulan kula yeeshay Danjirayaasha Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay, Mareykanka, Ingiriiska iyo Midowga Yurub.

Kulanka u dhexeeyay Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo danjirayaasha ayaa diiradda lagu saaray arrimo ku aaddan siyaasadda iyo xaaladaha doorashooyinka.

Waxaana si gaar ah ay mas’uuliyiintu kaga wada hadleen  arrimaha amniga Galmudug iyo Doorashada, iyadoo Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulkaaasi wali ay ka socoto doorashada Golaha shacabka.

Ugu danbeyntii, Madaxweynaha ayaa ka mahadceliyay taageerada beesha caalamka ee doorashooyinka dalka.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug  Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta dib ugu soo laabtay Magaalada Dhusamareeb ee caasimadda Maamulka Galmudug Galmudug, iyadoo Garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusamareeb ay kusoo dhaweeyay Madaxweyne Ku xigeenka Galmudug  Cali Daahir Ciid iyo xubno ka tirsan labada gole ee Dowlad Goboleedka Galmudug.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor