Beesha Caalamka oo farriin Cusub u dirtay Madaxda Maamul Goboleedyada

Beesha Caalamka ayaa soo dhaweysay horumarka laga sameeyay hirgelinta heshiiskii 27-kii May oo ay wada saxiixeen Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynayaasha dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka.

War-saxaafadeed kasoo baxay Beesha Caalamka ayaa waxaa Madaxda maamulada loogu baaqay inay si deg deg ah u qabtaan doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka oo 29-ka ka bilaabatay Jubbaland.

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa sidoo kale ku taliyay inay shaqada harsan ee lagu soo gunaanadayo geeddi-socodka doorashada si dhakhso loo sii dardar-geliyo, si aysa dib u dhac ugu imaan mar kale Doorashada dalka ka dhaceysa.

Sidoo kale WBeesha Caalamka ayaa dalbatay in la caddeeyo tallaabooyinka lagu sugayo matalaadda haweenka ee Barlamaanka ee boqolkiiba 30, iyo xallinta muranka weli ka taagan guddiga maareynta doorashada.

“Tusaalooyinka horumarka ah ee ugu dambeeyay waxaa ka mid ah: In la isla qaatay kal-tirsi doorasho oo la cusbooneysiiyay. Inta badan guddiyadii maamulka doorashada hadda waa la dhisay waxayna iska dhex doorteen madaxdooda. Waxaa la qabtay shir hordhac ah ee Guddiga Amniga Doorashada. Ra’iisul Wasaaraha ayaa magacaabay Guddi Danjireyaal Niyadsami (Goodwill Ambassadors) si kor loogu ololeeyo/hormariyo qoondada haweenka ee boqolkiiba30. Doorashada Aqalka Sare ayaa ka billaabatay Jubaland” ayaa lagu yiri Qoraalka Beesha Caalamka.

Wakiilada Beesha Caalamka ee War-saxaafadeedka soo saaray ayaa kala ah: Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Denmark, Jabuuti, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Kenya, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Holand, Norway, Poland, Qadar, Ruushka, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, iyo Qaramada Midoobay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor