Beesha Caalamka oo Baarlamaanka Somalia ka dalbatay inay ku Codeeyan damiirkooda

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa War cusub kasoo saaray Doorashada Madaxweynaha 10-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya oo maalinta berri Aaxd ah ka dhaceysa Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho gaar ahaan Xarunta Teendhada Afisyooni.

War-saxaafadeed kasoo baxay Beesha Caalamka ayaa waxaa dhammaan Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya loogu baaqay inay waajibaadkooda dastuuriga ah u gutaan si ay ku jirto danta dalka iyo dadka.

Wakiilada ayaa ku boorriyay Xildhibaanada inay ku codeeyaan damiirkooda, iyagoo dooranaya Musharaxa ay rumeysan yihiin inuu la imanayo siyaasadda iyo tayada hogaamineed ee lagu hormarinayo nabad, xasillooni, barwaaqo, iyo dowladnimo suuban sanadaha soo socda.

“Iyadoo la joogo habeenka ka horreeya doorashada madaxweynaha Soomaaliya, ayaa, Saaxiibada Beesha Caalamku waxay ugu baaqayaan dhammaan xubnaha Baarlamaanka inay waajibaadkooda dastuuriga ah u gutaan si ay ku jirto danta dalka” ayaa lagu yiri Warka Beesha Caalamka.

“War-saxaafadeedka kasoo Beesha Caalamka ayaa waxaa si wadajir ah u soo saaray : Hawlgalka Kalaguurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Canada, Denmark, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Kenya, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka (OIC), Qadar, Ruushka, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkiga, Uganda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka iyo Qaramada Midoobay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor