Beesha Caalamka oo Baaq u dirtay Madaxda DFS iyo maamul Goboleedyada

Xubno ka tirsan Beesha Caalamka ayaa ka hadlay doorashada dalka ka dhaceysa dhammaadka sanadkaan 2020/2021, kadib markii kal horey ay heshiis ka gaareen Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa dowlad Goboleedyada.

Wakiillo ka socda Midowga Afrika, Midowga Yurub, IGAD iyo Qaramada Midoobay oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Garoowe ayaa dhammaan hoggaamiyeyaasha Soomaaliya ugu baaqay in doorashada waqtigeeda ku dhacdo.

Sidoo kale Wakiilada Beesha Caalamka ayaa Madaxda dowladda iyo kuwa maamulada ku booriyay inay sii adkeeyaan xiriirka dhexeeya, si loogu diyaar garoobo doorashada dalka ka dhaceysa.

“Waxaan ku boorrineynaa dhammaan hoggaamiyeyaasha Soomaaliya in ay ku sii dhegganaadaan go’aankooda la xiriira iskaashiga iyaga ka dhexeeya xilli diyaar-garowga doorashadu uu horumar sameeyey.” ayey wakiillo ka socda Midowga Afrika, Midowga Yurub, IGAD iyo Qaramada Midoobay u sheegeen warbaahinta.

Wafdigaan ayaa Magaalada Garoowe kulan kula qaatay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, isagoo kala hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo Arrimaha doorashada, isagoo u gudbiyay caqabadaha hortaagan doorashada.

Muran xoogan ayaa xiligaan ka taagan Doorashada Soomaaliya, kadib markii khilaaf uu ka dhashay Guddiyada doorashooyinka ee heer Federaal iyo heer maamul Goboleed ee la magacaabay, waxaana kasoo horjeestay Musharaxiinta xilka Madaxweynaha.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media