Beesha Caalamka iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada oo la filayo in shir u furmo

Xubnaha Beesha Caalamka iyo Madax Maamul Goboleedyada dalka ayaa waxaa la filayaa in saacadaha soo aaddan uu u furmo shir uu dabad joog ka yahay Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday maxamed Cabdulaahi Maxamed farmmaajo.

Xubnaha Beesha caalamka ayaa la sheegay in ay ku howlan yihiin sidii Teendhada Afistyooni shirka ka socda ee u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah uu u noqon lahaa mid mira dhal ah.

Waxaa wali jirin wax heshiis rasmi ah ama is afgarad ay gaareen Madaxda Soomaalida ee shiraya, waxaana shirka goordhow u furmi doona beesha Caaalamka iyo Madaxda maamul Goboleedyada qayb ka ah Axmed madoobe iyo Siciid deni oo horay u sheegay in aysan ka qayb galeyn shirka Afisyooni.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor