Bashiir Goobe oo Maanta loo dhaariyay xilka uu u magacaabay RW Rooble

Wasiiru dowlaha Cusub ee Wasaaradda Howlaha Guud Iyo Guryeynta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Bashiir Maxamed Jaamac Bashiir Goobe ayaa Maanta lagu dhaariyey Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.

Munaasabadda dhaarinta ayaa waxaa kasoo qeyb galay Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey, Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Mahd Cabdalla Cawad, Xildhibaano, Wasiiro iyo Mas’uuliyiin kale.

Bashiir Maxamed Jaamac Bashiir Goobe ayaa lagula dardarmay inuu dardar-geliyo shaqada loo idmaday ee ah Wasiiru dowlaha ee Wasaaradda Howlaha Guud Iyo Guryeynta ee Xukuumadda xilgaarsiinta.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa shalay Bashiir Goobe u magacaabay xilka Wasiiru dowlaha ee Wasaaradda Howlaha Guud, waxaana xilkaas 14 January 2020, iska casilay Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo xiligaasi ahaa Musharax madaxweynaha Galmudug.

Magacaabida Bashiir Goobe ayaa qeyb ka aheyd heshiiskii habeenkii jimcaha gaareen Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble ee lagu soo afjaray khilaafka muddada u dhaxeeyay labada dhinac ee sababta u ahaa kala jabkii Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka.