Barlamaanka taageera Khaliifa Haftar oo ansixiyey Arrin dhan ah Liibiya

Baarlamaanka Liibiya  ee fadhigiisu yahay bariga dalkaas ayaa meel mariyey mooshin lagu ansixinayo in ciidamada Masar ay soo faro-geliyaan Liibiya haddii loo baahdo, si ay u ilaaliyaan “amniga qaran” ee labada dal, xilli ay jirto wax ay ugu yeereen “qabsashada” Turkey.

Baarlamanka ayaa taageera Jeneral Khalifa Haftar, oo muddo sanad ka badan waday dagaal uu markii dambe ku fashilmay oo uu doonayey inuu ku qabsado caasimadda Tripoli, halkaasi oo fadhi u ah dowladda caalamku aqoonsan yahay.

Haftar ayaa waxaa taageera Masar iyo Imaaraadka Carabta, halka dowladda caalamku aqoonsan yahay ay taageeraan Turkey iyo Qatar.

Qaraarka oo goor dambe oo Isniintii ah ay ansixiyeen baarlamanka fadhiggiisu yahay magaalada Tobruk ayaa ogolaanaya “in ciidamada Masar ay soo faro-geliyaan dalka si ay u ilaaliyaan amniga qaran ee Libya iyo Masar haddii ay arkaan halis muuqata oo kusoo socota labada dal”.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media