Bannaanbax lagu taageerayo Cali Guudlaawe oo ka dhacay Sh/dhexe.

Degmada Cadale ee Gobolka Shabbeellaha dhexe ayaa Noqotay degmadii ugu horreysay ee si weyn looga taageeray Guusha Cali Guudlaale Madaxweynaha Cusub ee Maamul Goboleedka Hir-shabeelle oo shalay lagu doortay Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha dhexe.

Dad weyne farabadan oo isugu soo baxay Gudaha Magaalada Cadale aaya soo dhaweeyay Guusha Cali Guudlaawe, waaxana Bannaanbaxa hoggaaminayay dad shacab ah oo u badan Carruur iyo Haween, waxaana qayb ka ahaa Bannaanbaxa dhalinyarada ku Nool Cadale.

Shacabka isku soo baxay ayaa ku dhawaaqayay hadalo ay ku taageerayaan Madaxweyanah Cusub ee Maamulkaasi.

Shalay ayaa Jowhar lagu doortay Cali Guudlaawe iyo ku xigeenkiisa Yuusuf dabageed, waxaana xusid mudan in Magaalooyinka waa weyn ee Maamulka Hir-Shabeelle  aan looga dabbaal deign Guusha Cali Guudlaawe.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media