Bangiga Adduunka oo dar-dargalinaya mashaariic uu ka wada Soomaaliya 

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Aadan Macalin (Soomaali) ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi ka socday Bangiga Addunka oo kormeer iyo indha indhayn ugu yimid Wasaaradda Hawlaha Guud, iyada oo uu soo dhammaaday wajiga 1aad ee Mashruuca Surp I hadana uu bilawday wajigiisii 2aad oo kasocda dhammaan dowlad goboleedyada dalka qaybna ka ah mashaariicda dib u dhiska dalka.

Shirka ayaa waxaa ka qayb galay Agaasimaha Guud Axmed Maxamed Iimaan, Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda Eng. Maxamed Yariisow, Agaasimaha Mashaariicda C/laahi Fariimoos iyo Saraakiil kale oo mashruuca gacanta ku haya.

Wafdiga ka socday Bangiga Adduunka ayaa Wasaaradda Hawlaha Guud ku ammaanay sida hufnaanta leh ee ay Wasaaraddu u hogaaminayso mashruucan.

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Maxamed Aadan Macalin (Soomaali) ayaa uga mahad celiyey Bangiga Adduunka garab istaagooda dib u dhiska Dalka.

Ugu dambayntii labada dhinac ayaa isku afgartay in la dardar galiyo Mashruuca surp II si uu ugu soo dhamaado waqtigii loogu tala galay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor