Bandow lagu soo rogayo Dhuusamareeb iyo sababta oo la shaaciyay

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxaa la filayaa inuu si rasmi ah uga dhaqan galo Bandow adeg oo lagu soo rogayo inta uu socdo Shirka Madaxweyneyaasha maamul Goboleedyada dalka oo halkaas ka furmaya.

Go’aanka Bandowga lagu saarayo Dhuusamareeb ayaa waxaa uu qeyb yahay qodobo laga saaray Shir looga hadlay Arrimaha amniga oo shalay lagu qabtay halkaas, waxaana shirka ka qeyb galay Saraakiisha kala duwan ee Ciidamada.

Saraakiil ka tirsan laamaha amniga Galmudug ayaa sheegay in Bandowga uu dhaqan geli doono Maalinta berri, isla markaana waxaa uu saameeyn ku yeelan doonaa dhaq-dhaqaaqyada Bulshada sida Ganacsiga iyo isku socodka dadka iyo aadiidka.

Madaxweyneyaasha maamul Goboleedyada dalka ayaa Maanta tagaya Magaalada Dhuusamareeb, si ay uga qeyb galaan Shir ay halkaas ku yeelanayan, kaasi oo looga hadli doono Arrimo kala duwan oo ku aadan xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Ammaanka guud ee Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa siweyn loo adkeeyay, waxaana inta badan Waddooyinka ku yaalla halkaas lagu arkayaa Ciidamo kala duwan oo gaadiidka baaritaano ku sameeynaya.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media