Bandow Caawa ka dhaqan galaya Magaalada Muqdisho

Magaalada Muqdisho ayaa Caawa waxaa lagu wadaa inuu ka dhaqan galo Bandow  habeenkii ah oo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya kusoo rogtay si loo xakameeyo faafida Cudurka halista ah ee Coronavirus oo kiisas dhowr ah laga helay Caasimadda.

Bandowga lagu soo rogay Muqdisho ayaa bilaaban doona saacadda markii ay tahay 8:00 Fiidnimo, wuxuuna socon doonaa ilaa 05:00 Subaxnimo, waxaana uu saameyn uu ku yeelan doonaa isku socodka dadka iyo gaadiidka noocyadiisa kala duwan.

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya Gen. Cabdi Xasan Maxamed (Xajaar) ayaa dadka ka codsanay inay bandowga u hoggaansamaan, si dadka looga badbaadiyo cudurkan khatarta badan ee COVID-19.

Gen. Cabdi Xasan Maxamed (Xajaar), waxuu sidoo kale sheegay in Bandowgu uu saameynayo isu-socodka dadka iyo gaadiidka, ganacsiga, marka laga reebo dukaamada cunnada qalalan laga iibsado iyo xarumaha caafimaadka sida farmashiyayaasha iyo isbitaallada.

Ugu dambeyn taliyaha ayaa hoosta ka xariiqay in Ciidamada amniga la faray inay dadka xanuunsanaya ee xaaladaha deg-degga ah lasoo gudboonaadaan ay u fududeeyaan gaaritaanka goobaha caafimaadka si ay u helaan daryeelka ay u baahan yihiin.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media