Bandow Caawa ka dhaqan galay Magaalada Kismaayo

Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa waxaa Caawa ka dhaqan galay Bandow uu Maamulka kusoo rogay Magaaladaas.

Ciidanka Booliska Jubbaland ayaa Kismaayo ka dhaqan geliyay Bandow, xiliga habeenkii ah oo lagu doonayo in lagu xakameeyo faafida Cudurka halista ah ee COVID-19 oo kusoo laba kacleeyay halkaas.

Ciidamada oo wata gaadiidka nooca gaashaaman ayaa Caawa lagu arkayaa waddooyinka waaweyn, iyagoona Ciidanka ku amray dadka inay guryahooda ku xaroodaan, si loo fuliyo amarka Maamulka Jubbaland.

Sidoo kale Dad ayaa ku warramay in dadka deegaanka Magaalada ay goorsii horeysay ay ku xaroodeen Guryahooda, isla markaana Caawa wax isku socod dadweyne uusan ka jirin Kismaayo.

Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee Maamulka Maxamuud Sayid Aadan ayaa shacabka ku amaray inay qaatan Afxir, si looga hortego faafida Cudurka halista ah ee COVID-19, sidoo kalena uu jiro Bandow xiliyada habeenkii ah.

Magaalada Kismaayo iyo deegaano kale oo ka tirsan Maamulka ayaa waxaa maalmihii lasoo dhaafay laga diiwaan-geliyay kiisas farabadan oo COVID-19, ayna jiraan dad dhowr ah oo xanuunka halkaas ugu geeriyooday.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor