Banaanbax looga horjeedo Madaxweyne Farmaajo oo ka bilowday Muqdisho

Waxaa Goordhow Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka gaar ahaan degmada Kaaraan ee Gobolkan Banaadir ka bilowday Banaanbax xoogan oo looga soo horjeedo dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dadweyne farabadan oo isugu jira dhalinyaro, haween, Caruur iyo Odayaal ayaa isugu soo baxay waddo ku taalla degmada Kaaraan, iyagoona siweyn uga horjeeda Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dowladda Federaalka.

Banaanbaxayaasha ayaa wata boorar  ay ku xar-dhan yihiin erayo looga soo horjeedo Madaxweynaha, sidoo kalena ku qeylinaya erayo ay kamid yihiin doonimeyno kaligiis taliye iyo Erayo kale.

Sidoo kale banaanbaxayaasha ayaa waddooyinka ku gubaya taayawo waaweyn, isla markaana xiray wadada, waxaana kahad ku jira isku socodka gaadiida iyo dadka, waxaana dadkaas ay yihiin kuwa careysan.

Qaar kamid ah dadka dhigaya banaanbaxa ayaa Madaxweynaha ku eedeeyay inuu boobayo Doorashada dalka ka dhaceysa, sidoo kalena sheegay inay doonayaan in dalka ay ka dhacdo Doorasho nabad oo loo dhan yahay.

Banaanbaxa ka bilowday Muqdisho ayaa waxaa soo abaabulay Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana saacadihii lasoo dhaafay Caasimadda ka socday abaabulka Banaanbaxyo xoogan oo looga horjeedo Madaxweyne Farmaajo iyo DFS.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media