Banaanbax rabshado wata oo ka socda Kampala iyo rasaas la maqlayo

Wararka aan ka heleyno Magaalada Kampala ee Caasimadda dalka Uganda ayaa waxaa ay sheegayaan in gudaha Magaaladaas laga maqlayo dhawaqa rasaas xoogan oo ridayaan Ciidanka amniga ee Booliska.

Taageerayaal taabacsan Murashaxa u taagan qabashada xilka Madaxwaynaha Uganda Bobi Wine ayaa isugu soo baxay qaybo kamid waddooyinka Caasimadda kampala, iyagoo ka caraysan xarig shalay loo gaystay murashax bobi wine.

Ciidamada dowladda Uganda ayaa wada dadaal ay ku doonayaan inay ku kala eryaan dadka banaanbaxa ka dhigaya waddooyinka waaweyn ee Caasimadda kampala, waxaana Ciidanka ay ridayaan rasaas xoogan.

Dadka dhigaya banaanbaxaaas oo ah kuwa aad u careysan ayaa gubaya taayaro waaweyn, sida lagu arkayay Sawirro laga soo qaaday goobta uu ka socdo banaanbaxa looga soo horjeedo xariga loo gaystay murashax bobi wine.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media