Banaanbax looga soo horjeedo dowladda Federaalka oo ka socda M/Cadaado

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegayaan in Maanta halkaas uu ka socdo Banaanbax looga soo horjeedo dowladda Soomaaliya iyo Shirkii dib u heshiisiinta Galmudug ee lagu xiray Magaalada Dhuusamareeb.

Boqolaal shacab ah oo isaga kala yimid Xaafadaha Cadaado ayaa isugu soo baxay bartamaha Magaalada,kuwaasi oo dhigaya banaanbax ay uga soo horjeedaan dowladda Federaalka iyo qorshaha lagu dhisayo Galmudug Cusub ee ka socda Dhuusamareeb.

Sidoo kale dadka dhigaya Banaanbaxa ayaa ku qeylinaya Erayo ay uga soo horjeedan dowladda,waxaana dadkaas ay isugu jiraan Caruur,Haween,dhalinyaro iyo qaar kamid ah Odayaasha Magaalada Cadaado.

Shalay ayaa waxaa Magaalado Cadaado ee Gobolka Galgaduud kulan ku yeeshay Odayaasha iyo Waxgaradka kunoo halkaas,iyagoona sheegay in Xarunta Baarlamaanka Galmudug ay tahay Magaalada Cadaado.

Waxaa kaloo ay sheegeen in Madaxweyne Farmaajo looga baahan yahay in Doorashada galmudug uu keeno Cadaado,maadaama isaga uu u magacaabay inay noqoto Xarunta Baarlamaanka Galmudug.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media