Banaanbax lagu taageerayo Farmaajo oo ka dhacay Degmo ka tirsan Puntland

Waxaa Maanta degmada Hadaaftimo ee Gobolka Sanaag ka dhacay Banaanbax ballaaran oo lagu taageerayo Dowladda Federaalka iyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Dadweyne farabadan oo isugu jiray Caruur, Haween iyo dhalinyaro ayaa isugu soo baxay Waddooyinka qaar ee Hadaaftimo, iyagoo watay Calanka Soomaaliya, kuna qeylinayay magaca Madaxweyne Farmaajo.

Inta uu socday Banaanbaxa ayaa mararka qaarkood la maqlayay rasaas ay ridayeen Ciidamo ka tirsan kuwa amniga Hadaaftimo, isla markaana dadka banaanbaxa dhigayay ay ahaayeen kuwa taareego u muujinayay Madaxweynaha iyo dowladda Federaalka.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Maanta la xiray inta badan goobihii ka ganacsiga ee ku yaalla halkaas, waxaana dadka ay ka qeyb qaadanayeen Banaanbaxa, sida uu sheegay qof kamid ah dadka deegaanka.

Dhinaca kale Ciidamo ka tirsan kuwa Puntland ayaa is hor istaag ku sameeyay banaanbax la doonayay in lagu taageero Madaxweyne Farmaajo, kaasi oo lagu waday inuu ka dhaco Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari, iyadoona dadka loo sheegay in aysan sameeyn karin banaanbax.