Banaanbax ka socda Muqdisho iyo waddooyinka qaar oo xiran

Waxaa maanta xiran inta badan waddooyinka magaalada Muqdisho oo lagu arkayo ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo Amniga xaqiijinaya.

Waddooyinka xiran ayaa loo diidanyahay in ay maraan gaadiidka kala duwan ee dadweynihu isticmaalaan waxaana arrintaan ay la xiriirtaa banaanbaxa ka socda Muqdisho.

Boqolaal dadweynaha ah ayaa lugeynaya waddoiyinka waxaana banaanbaxyo ay ka socdaan Isgooyska KM4 iyo Daljirka daahsoon halkaas oo ay ku suganyihiin boqolaal shacab ah

Banaanbaxaan ayaa wararku waxa ay sheegayaan in uu yahay mid lagu taageerayo hadalkii madaxweyne Farmaajo uu shalay ka jeediyay furitaanka Kalfadhiga 7-aad ee labada aqal ee ahaa in golaha uu ka codsanayo in ay ka shaqeeyaan Metalaad gobolka Banaadir uu ku yeesho golaha Aqalka Sare.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media