Banaanbax ka socda Magaalada Baladweyne iyo rasaas la maqlayo

Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka socda Banaanbax xoogan oo ay dhigayaan boqolaal dad shacab ah oo isugu soo baxay xaafaddo ka tirsan Magaaladaaas.

Dadka dhigaaya Banaanbaxa oo isugu jira qeybaha kala duwan ayaa siweyn uga soo horjeeda dhismaha Maamulk Hirshabeelle iyo Madaxweyne Cali Guudlaawe, waxaana dadka ay yihiin ku careysan doorashadii ka dhacday Jowhar.

Banaanbaxayaasha qaarkood ayaa ku qeylinaya doonimeyno Hirshabeelle iyo erayo kale oo ka dhan Cali Guudlaawe, sida lagu arkayay Muuqaalo laga soo duubay dadkaas oo lagu faafiyay baraha Bulshada.

Sidoo kale qaar kamid ah banaanbaxayaasha ayaa xiray waddooyinka ku yaalla Baladweyne, iyagoona dhigay dhgaxaan iyo birro, isla markaana waxaa kahad ku jira isku socodka gaadiidka Magaalada.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Federaalka ayaa rasaas badan mararka qaarkood ku ridaya banaanbaxayaasha oo tegay Saldhiga Booliska Baladweyne, waxaana halkaas laga maqlaya rasaas xoogan oo ay kahor u dirayaan Ciidamada.

Ciidamada amniga ayaa saakya Baladweyne ka sameeyay howlgal lagu soo qabtay dad badan oo kala duwan oo ay ku jiraan xubo ka tirsan Jabhadda Generaal Xuud, kuwaasi oo lagu xiray Saldhiga Booliska Magaalada.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media