Banaanbax cabasho ah oo Maanta ka dhacay Magaalada Garoowe

Waxaa Maanta Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland ka dhacay Banaanbax socday muddo kooban oo ka dhan ahaa Go’aan ay soo saartay Shirkadda Dhaweeye ee leh gaadiidka yaryar ee ka shaqeeya halkaas.

Banaanbaxa ayaa waxaa dhigay inta badan Darawalada gaadiidka Dhaweeye ku shaqeysta ,isla markaan banaanbaxooda uga cabanayay lacag dheeraad ah oo ay ku soo rogtay Shirkadaas oo leh gaadiidka yaryar oo ay ka shaqeystaan.

Darawalada oo u badan dhalinyaro oo  isugu soo baxay bartamaha Magaalada Garoowe ayaa sheegay in macquul aysan aheyn inay bixiyaan lacagta dheeraadka ay kusoo rogtay Shirkadda gaadiidka Dhaweeye, maadama aysan awood u laheyn bixinta lacagtaas.

Sidoo kale Darawalada gaadiidka yaryar ayaa tilmaamay in sababta aysan u bixin karin lacagtaas lagu soo rogay ay tahay in mararka qaarkood Darawalada aysan shaqeynba in ku filin, taasina ay tahay mid keentay inay banaanbaxa dhigaan.

Shirkadda gaadiidka yaryar ee Dhaweeye ayaa weli wax war ah kasoo saarin banaanbixii cabashada ahaa ay dhigeen Darawalada gaadiidkooda ku shaqeysto ee ku sugan Magaalada Garoowe, waxaana halkaas siweyn looga isticmaalaa gaadiidka Dhaweeye.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media