Banaan-bax looga soo hor jeedo qorshe Puntland sameysay oo kasocda Boosaaso

Barqanimadii maanta waxaa magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ee Puntland ka bilowday banaanbax ay dhigayaan dadka degan xaafadaha kala duwan ee magaalada.

Banaanbaxayaasha ayaa la arkayay iyaga oo gubaya Taayaro waxaana ay kasoo hor jeedaan qorshe lagu qeybinayo waaxyaha kala duwan ee magaalada Boosaaso oo golaha deegaanka sameeyay.

Isku socodka gaadiidka iyo dadka ayaa hakad galay waxaana banaanbaxayaashu ay ku dhawaaqayaan erayo ay ku diidanyihiin qorshahaan oo ay sheegeen in lagu kala qeybinayo waaxyaha kaladuwan ee magaalada Boosaaso.

Guddoomiyaha gobolka Bari ayaa wax laga weydiiyay cabasho dadka deegaanku ay ka qabaan qorshahaan oo la xiriira in hab qabali ah lagu qeybiyay waxaana uu beeniyay arrinkaas oo uu tilmaamay in aysan waxba ka jirin barnaamijkaana uu yahay mid lagu baahinayo adeegyada maamulku uu bixiyo si bulshada uu u gaaro.

Banaan-baxayaasha ayaa eedeymo culus u jeediyay wasiirka rrimaha gudaha iyaga oo ku eedeeyay in uu si aan sax aheyn u kala qeybinayo Boosaaso iyaga oo ku hanjabay in aysan biixi doonin Canshuurta.