Ballan qaad loo sameeyay Ciidamada ku howlan sugidda amniga Boosaaso

Taliyaha qeybta boliiska gobolka Bari ee maamulka Puntland G/sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa kulan la qaatay ciidamada ku howlan sugidda amniga magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Kulanka Taliyaha uu la qaatay saraakiisha iyo ciidamada loo xilsaaray amniga magaalada Boosaaso ayaa ahaa mid lagu dhiira-gelinayay hopwlasha adag ee ay hayaan ciidamadaan,waxaana loo sameeyay afur gaar ah oo lagu dhiiragelinayay.

Taliyaha aya dhinaca kalana waxa uu tilmaamay in in la joogteyn doono kulamada noocaan oo kala ah isla markaana abaal marino gaar ah lasiin doono ciidamada dhigooda u huraya badbaadada Shacabka.

Magaalada Boosaaso ayaa mararka qaar waxaa ka dhaca falal amni daro kuwaas oo lagu bartilmaamedsado saraakiisha iyo dadka waxgalka ah eek u sugan xaafadaha kla duwan ee magaalada Boosaaso iyada oo wixii xilligaas ka dambeeyayna la xoojiyay amniga Boosaaso.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media