Baarlamaanka UK oo go’aan ka gaaraya Madaxbannaanida Somaliland

Baarlamaanka UK ayaa Talaadada beri ah lagu wadaa in muddo kooban uu dhegaysto dood ku saabsan Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaannida ee Somaliland oo uu usoo gudbin doono xildhibaan Gavin Williamson oo laga soo doorto Koonfurta Staffordshire.

Doodda oo ah mid uu mudanaha ku soo gebagabeyn doono fadhiga maalintaa ayaan la fileyn in wax go’aan ah uu ka gaaro baarlaamka.

Ma aha markii ugu horreysay ee baarlamaanka UK uu dhegaysto dood ku aaddan aqoonsiga Somaliland oo sheegtay in 1991 ay ka go’day Soomaaliya inteeda kale.

Bishii December 2019, 11 xildhibaan oo u badan xisbiga Labour-ka ayaa gudbiyay mooshin ah in baarlamaanka UK uu aqoonsado Somaliland, maadaama ay ahayd “maxmiyad ay Britain xukumi jirtay”.

Mid kamid ah xildhibaannadaas ayaa markii dambe ka noqday mooshinka.

Sidoo kale, golaha deegaanka ee magaalooyinka Cardiff, Sheffield iyo Birmingham ayaa horay u shaaciyay inay aqoosan yihiin “madax bannaanida” Somaliland, walow taaso aysan wax badan soo kordhin.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor