Baarlamaanka Puntland oo Go’aan kasoo saaraya Metelaadda G/Banaadir

Xildhibaanada Baarlamaanka dowlad Goboleedka Puntland ayaa Maanta si adag uga doodday metelaadda Gobolka Banaadir ee Aqalka sare ee Baarlamanka dalka oo shalay ay ansixiyeen Xildhibaanada Golaha shacabka.

Qaar kamid ah Xildhibaanada oo kulanka ka dhex hadlay ayaa waxaa ay Dowladda Federaalka, Madasha Xisbiyada, maamulada HirShabeelle, Koonfur Galbeed iyo Galmudug ku eedeeyey in ay faquuqayaan Puntland iyo Jubbaland.

Sidoo kale Xildhibaannada qaarkood ayaa soo jeediyey in Puntland ka tashato dowladda Soomaaliya, isla markaasna ku dhawaaqdo madax-banaani, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Ilo Baarlamanka Puntland auyaa sheegay in Goluhu uu qaraar ka soo saarayo 13-ka xubnood ee Metelaadda Gobolka Banaadir ee Aqalka Sare, sidoo kalena la sheegayo in Madaxtooyadda Puntland ay iyaguna War kasoo saarto arrinta Gobolka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media