Baarlamaanka Puntland oo Go’aan kasoo saaray Metelaadda GB iyo Doorashada

Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ayaa Maanta kulan xasaasi ah ku yeeshay Xaruntooda Magaalada Garoowe ee Caasimadda maamulkaas, iyagoo uga dooday Ajendaal dhowr ah.

Kulanka Xildhibaanada ayaa Ajendayaasha ugu waaweyn ee looga dooday waxaa uu ahaa ansixinta Metelaadda Gobolka Banaadir ee Aqalka Sare iyo Arrimaha Doorashooyinka dalka ee 2020/2021.

Intaas kadib Xildhibaanada Puntland ayaa Go’aano kasoo saaray xeerkii Metelaadda Gobolka ee Golaha Aqalka Sare looga siiyay 13-xubnood, waxaana kulankooda goobjoog ka ahaa 41 Xildhibaan.

Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ayaa waxaa ay sheegeen in aysan aqbaleyn Go’aanka kuraasta loogu kordhiyay Gobolka Banaadir, iyagoo arrintaas ku tilmaamay mid sharci darro ah.

Sidoo kale Xildhibaanada Puntlan ayaa xusay in Guddiga Doorashooyinka Qaranka ay ku fashilmeen xilkii iyo waajibaadkii dastuuriga ahaa, iyagoona tilmaamay in Guddiga uu hab sharci darro ah muddo kordhin ugu sameeyay Madaxwenaha iyo labada Golle ee dowladda Federaalka.

Hoos ka Akhriso Qoraalka uu soo saaray Baarlamaanka Puntland.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media