Baarlamaanka Puntland oo ansixiyay xubnaha Maxkamadda Dastuuriga

Golaha Wakiillada dowlad Goboleedka Puntland ayaa Maanta Fadhiga 22-aad ee Kalfadhiga 46-aad ku yeeshay Magaalada Garoowe, waxaana shir-guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.

Fadhiga maanta waxaa joogay 39 Xildhibaan Ajandaha ayaa ah dhameystirka iyo ansixinta xubnaha Maxkamadda Dastuuriga ah.

Xildhibaanada Golaha Wakiillada DPL ayaa dood sharci ah ka yeeshay dhameystirka iyo ansixinta xubnaha Maxkamadda Dastuuriga ah, 38 Mudane ayaa u codeeyay Ajandaha Kalfadhiga 46-aad qodobka ugu dambeeya laga dhigo dhameystirka iyo ansixinta xubnaha Maxkamadda Dastuuriga ah, halka hal mudane uu diiday, qof ka aamuseyna ma jiro.

22 sanno ka dib markii ugu horaysay ayey Xildhibaanada Maamulka Puntland ka doodeen Dhameysirka Maxkamadda Dastuuriga ah.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media