Baarlamaanka K/Galbeed oo muddo kordhin weyn u sameeyay Lafta-gareen

Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa Maanta oo Isniin ah waxaa kulan aan caadi aheyn ku yeeshay Xildhibaanada Baarlamaanka labaad ee dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Ajendaha kulanka Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa waxaa uu ahaa Cod u qaadista muddo kordhin loogu sameynayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen).

87 Xildhibaan oo Maanta kulanka soo xaadirtay ayaa Cod gacan taag ah muddo kordhin hal sano ah ugu sameeyay Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Lafta-gareen, waxaana xilheentiisu ay ku egtahay 2024.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa mudadii la doortay waxaa kasoo wareegtay Muddo dhan 2-sano, waxaana haatan la is waafajiyey Mudda xileedka Xildhibaanada Cusub ee Baarlamaanka maamulkaas iyo Madaxweynaha.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media