Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle ayaa Maanta kulankii 8-aad kal-fadhiga koowad ku yeeshay Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe, iyadoo kulankaas uu shir guddoomiyay Guddoomiye Cabdixakiin Luqmaan Maxamed.
Ajendaha kulankaas ayaa waxaa uu ahaa ka doodista warbixin ku aadan wax ka bedelka Dastuurka dowlad Goboleedka Hirshabeelle, waxaana kulankaas kasoo qeyb galay inta badan Xildhibaanada Baarlamaanka.
Dhinaca kale Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Baarlamaanka Hirshabeelle Mahad Xassan Cismaan ayaa tilmaamay inuu socdo qorshe Maamulka uu ku doonayo in muddo xileedka Madaxda Hirshabeelle wax looga bedelo.
Waxaa uu sheegay in muddo xileedka Madaxda Hirshabeelle lagu darayo muddo hal sanno ah, wuxuuna sababta ku sheegay in la doonayo in la kala wareejiyo Doorashada Hirshabeelle iyo tan Federaalka Soomaaliya oo xili kasta isku soo aada.
”Arrintan waxaan u sameyneynaa si uu culeyska labada doorasho ee isku beegmaya aan isaga yareyno, waayo hadda waad la soctaa guddiga doorashada ku metelaya Dowladda Dhexe Hirshabeelle waxaa magacaabay Madaxweynihii hore Waare, waxey aheyd in uu magacaabo madaxweynaha la doortay ee Cali Guudlaawe, waxaana taa keenayaa waa labada doorasho ee mar walba isku beegmaya” ayuu yiri Mahad Xassan Cismaan.